1086 Views

Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Gollaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad oo gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug

Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Gollaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad oo  gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug
____________________________________________________________________________

 Axad: November 21, 2021

  
 Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalle Cawad ayaa maanta soo gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug oo ay ka socdaan howlaha doorashooyinka isla markaana dhawaan la shaaciyay shanta kursi ee ugu horaysa kuraasta gollaha Shacabka ee taalla Galmudug.

Guddoomiye Mahad Cawad oo ah xildhibaan una sharaxan  kursiga tirsigiisu yahay Hop104 oo deegan doorashadiisu tahay Galmudug, ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb.

Soo dhaweynta musharaxa ayaa waxaa ka qayb ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal , Xildhibaano, wasiiro, mamulka Caasimada, Odayasha dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kaladuwan.

Soo dhaweyn kadib ayaa Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee golaha Shacabka Soomaaliya loo soo galbiyay gudaha Caasimada,  waxaana ugu horeyn warbahinta lahadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal.

Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad oo ah musharax xildhibaan ayaa madaxda iyo bulashada Caasimada Galmudug ugamahad celiyay soo dhaweynta ay u sameeyeen.

Dhanka kale Guddiga doorashooyibka Galmudug ayaa shahaadada musharaxnimo guddoonsiiyay qaar ka mid ah siyaasiyiin u tartameysa kuraasta xildhibaanada golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka Mahad Cabdalle Carwad  iyo musharax Dhagey Geelle Ugaas ayaa ka mid ah xubnaha la siiyay shahaadada cadeyneysa in ay soo buuxiyeen xubnahan shuruudaha u yaala Gudigga Doorashooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post