1062 Views

Man City oo ku guuleysatay caawa tartanka horyaalka Ingiriiska

Man City oo ku guuleysatay  caawa tartanka horyaalka Ingiriiska
____________________________________________________________________________

May 23 2021

Waxaa caawa la soo gabagabeeyay xilli ciyaareedka tartanka horyaalka Ingiriiska iyadoo ay kaalmaha hore ku tartamayeen kooxo waaweyn.

Horyaalka Ingiriiska waxaa ku guuleysatay kooxda Manchester City iyadoo kaaalinta labaad ay soo gashay Manchester United.

Waxaa kaalinta saddexaad isku hayay kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Leicester.

Liverpool ayaa kaalinta saddexaad ee tartanka soo gashay kadib caawa 2 iyo 0 ay ku dhufutay kooxda Crystal Palace.

Halka Leicester ay kusoo bixi weyday kaalinta afaraad ,waxaana 4-iyo 2 uga badisay kooxda Tottenham.

Dhanka gool dhallinta waxaa ku tartamaya Harry Kane oo u dheela Tottenham iyo Maxamed Saalax oo u dheela Liverpol, waxay kala heystaan 23 iyo 22 gool, waxaana kabta dahabka ku guuleysan doonaa Harry Kane

Natiijadii kooxihii caawa dheelay

Arsenal-2 Brighton-0

Aston Villa-2 Chelsea-1

Fulham-0 Newcastle-2

Leeds-3 West Brom-1

Leicester-2 Tottenham-4

Liverpool-2 Crystal Palace-0

Man City-5 Everton-0

Sheff Utd-1 Burnley-0

West Ham-3 Southampton-0

Wolves-1 Man Utd-2

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post