402 Views

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga oo cambaareysay go’aanka uu Ruushka ku dhawaaqay, kaasoo ah inuu goostay afar gobol oo katisan dalka Ukraine

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga oo cambaareysay go’aanka uu Ruushka ku dhawaaqay, kaasoo ah inuu goostay afar gobol oo katisan dalka Ukraine
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 1, 2022

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga, ayaa cambaareysay go’aanka uu Ruushka ku dhawaaqay, kaasoo ah inuu goostay afar gobol oo katisan dalka Ukraine, taasoo ka dhigan cambaareynka timiddal katirsan xulafada Nato maalintii Jimcihii.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda, ayaa lagu sheegay in Turkigu “uusan aqoonsanayn ku darista Ruushka ee Crimea, ee afti sharci darro ah looggu sameeyey sanadkii 2014-kii.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay taageerada xooggan ee uu Tukigu u hayo madax bannaanida dhuleed, iyo midnimada dalka Ukraine xilli kasta.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in la raaco mawqifka la qaatay sanadkii 2014-kii, taasoo loogga horyimid go’aanka Ruushka ee ahaa inuu goosto Donetsk, Luhansk, Kherson iyo Zaphorizhzhia ee dalka Ukraine.

Go’aankan, ayaa ka dhigaya xadgudub weyn oo ka dhan ah mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyadoo sidoo kale lagu yiri ma ahan mid la aqbali karo.

Turkiga ayaa isku dayay inuu dhex dhexaadiyo dowladaha Ukraine iyo Ruushka, iyo galaan galka diblumaasiyadeed ee uu la leeyahay Qaramada Midoobay.

Turkey-ga ayaa gar wadeen ka ahaa heshiiskii dhawaan la gaarey ee dhex marey Ukraine iyo Ruushka, kaasoo la xiriiray dhoofinta badarka Ukraine, ee uu marinka u yahay Badda Madow.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post