669 Views

Shabeelle oo ku howlan in ay ku dhawaaqdo billaabashada Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka

Shabeelle oo  ku howlan in ay ku dhawaaqdo billaabashada Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka
____________________________________________________________________________


Talaado: November 9, 2021

DG Hir-Shabeelle ayaa ku howlan in ay ku dhawaaqo billaabashada Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Doorashada ayaa marka hore waxa uu Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Hir-Shabeelle shaacinayaa habraaca, waqtiga araaji-qabashada, shuruudaha lacag bixinta & Diyaarinta Ergada Beelaha leh kuraastaas.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Dowlad-Goboleed Hir-Shabeelle ayaa diyaariyay goobaha loo asteeyay in ay ka dhacdo Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaana lagu wareejiyay Booliiska AMISOM & kuwa Dowlad-Goboleedkaas.

Hir-Shabeelle ma shaacin kuraasta ay ku daah-fureyso Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad balse marka la eego deegaan doorashada lagu bilaabo oo ah Jowhar waa kuraas laga leeyahay Shabeelaha Dhexe.

Doorashada Golaha Shacabka waxaa la qabtay 1-dii November 2021 waxaana lagu daah-furay kuraasta tirsigoodu yahay #HOP239 & #HOP237 oo ay ku kala guuleysteen Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ah Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka & Biixi Iimaan Cige.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dowlad-Goboleed ka dalbaday dadejinta Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS si loo xaqiijiyo ka gungaarista mas’uuliyadda ka saaran.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post