759 Views

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo xilka kala wareegay Agaasimihii hore

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo xilka kala wareegay Agaasimihii hore
____________________________________________________________________________


Talaado: May 31, 2022

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdulqaadir Cali Dige ayaa munaasabad ka dhacday Villa Soomaaliya xilka kagala  wareegay Agaasimihii hore ee Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirishiid Maxamed Xaashi.

Agaasimihii hore ee Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdirishiid Maxamed Xaashi ayaa ka warbixiyey shaqooyinka muhiimka ah ee Waaxdu ay u qabato Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid tahay haqabtirka baahiyaha xogeed ee Shacabka Soomaaliyeed ee dhanka dowladda, waxa uuna Eebbe uga baryey Agaasimaha cusub in uu u fududeeyo gudashada Mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday.

Dhankiisa, Agaasime Cabdulqaadir Cali Dige ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta Warfaafinta iyo Xiriirika Warbaahinta Madaxtooyada, isaga oo uga mahadceliyey Agaasime Cabdirishiid Maxamed Xaashi shaqadii uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post