1791 Views

Michael Keating Oo Sheegay Inay Qaali Tahay Kharashka Korantada Laga Isticmaalo Muqdisho

Michael Keating Oo Sheegay Inay Qaali Tahay Kharashka Korantada Laga Isticmaalo Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 29, 2018 – Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Somalia, Michael Keating  waxa uu BartA Twitter-ka ee UNSOM soo dhigay  in Korantada laga isticmaalo Somalia  tahay tan ugu qaabilsan Qaaradda Afrika.

Wuxuuna xusay in Halkii Kiilo-waat oo Koronto ah ee lagu isticmaalo magaalladda Muqdisho ku kacayso in ka badan hal dollar saacadiiba.

Michael Keating  waxa uu  Twitter-kiisa ku xusay in sannado badan oo colaado hubeysan ka jireen Somalia ay sababtay inay burburaan Qeybtii Tamarta iyo inuu Deegaanka wasaqoobo

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Somalia, Michael Keating  waxa uu shalay booqday Xarunta Wakaalladdii Xoogga Korantada Ummadda ee ENEE, halkaasi oo ay shirkadda BECO u yaallaan Matooradda Koraantada siiya qeybo ka mid ah Xaafadaha Muqdisho.

Waxa uu ugu baaqay Maalgeliyayaasha inay taageero ka geystaan sidii loo cusbooneysiin lahaa Tamarta Korantada, wuxuuna nasiib-xumo ku tilmaamay Qiiqa Matooradda Korantada ee dhibaatada ku haya Dadka iyo Deegaanka.

Websayka UNSOM ayaa qoray inuu Michael Keating ka qeyb geli doono Shirweyne ka dhici doonta dalka Bortiqiiska bilowga bisha soo soocta, oo looga hadli doonto Maalgelinta Qeybta Tamarta Korontada ee Somalia.

Kulankaasi waxaa kaloo ka qeyb geli doona  Saraakiil ka socota Wasaaradda Tamarta ee Xukuumadda Federalka Somalia

kiting qoraalka Kitig

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment