1038 Views

Xisbiyada mucaaradka ee Ucid iyo Wadani oo wali raja ka qaba tartanka guddoonka golaha wakiilada Somaliland

Xisbiyada mucaaradka ee Ucid iyo Wadani oo wali raja ka qaba  tartanka guddoonka golaha wakiilada Somaliland
____________________________________________________________________________

Isniin: july 26 2021

Doorashadii ka dhacday jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland 31-kii May intii ka danbeysay ilaa imika waxa socda loollan u dhaxeeya xisbiyada oo ku saabsan cidda hoggaamin doonta shirguddoonka aqalka wakiilada.

Sida labada dhinac u kala cod bataan ayay ugu kala guulaysan doonaan kuraasta shir-guddoonka oo aan wali la cayimin fadhiga lagu dooranayo.

Tirada xildhibaanada ee xisbiyada u soo kala baxay wax ayaa iska badalay maadaama ay labada dhinac-ba soo bandhigeen xildhibaano kaga soo biiray dhinaca kale.

Golaha wakiilada ayaa lagu wadaa inay yeeshaan fadhigoodii ugu horeyay , waxaana xilliga uu fadhigaasi qabsoomayo awood u leh inuu shaaciyo madaxwaynaha.

Kulanka ugu horeeya ee ay yeeshaan golaha wakiilada ayaa xubnaha cusub ee golaha lagu dhaarin doonaa islamarkana waxa la dooran doonaa saddexda xubnood ee shir gudoonka golaha.

Labada xisbi ee mucaaradka oo isbahaystay ayaa waxa u soo baxay 52 xildhibaan oo ah aqlabiyad aad u badan halka xisbiga talada haya ay u soo baxeen 30 xildhibaan.

Xisbiyada mucaaradka ee Ucid iyo Wadani oo shaaciyay inay sameeysteen isbahaysi ayaa waxay shir gudoonka u so sharaxeen saddex xubnood.

Cabdi Risaaq Khaliif Axmed oo ka soo baxay xisbiga Wadani ayay mucaaradka la doonayaan in uu qabto xilka gudoomiyaha golaha wakiilada Sooamaliland.

Gudoomiya ku xigeenka kowaad iyo kan labaad ayaa waxay xisbiyada mucaaradka u soo kala sharaxeen labo xubnood oo ka socda xisbiga mucaaradka ee Ucid oo kala ah Cumar Jaamac Faarax iyo Cali Xaamud Jibriil.

Dhanka xisbiga talada haya ee Kulmiye oo sheegay in ay heshiis la galeen xubno ka soo goostay xisbiga mucaaradka ee Ucid ayaa waxay jagada gudoomiyaha golaha wakiilada la doonayaan Yaasiin xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo ka socday xisbiga Kulmiye.

Kulmiye ayaa sdioo kale waxay xubnaha ka soo baxay xisbiga Ucid la doonayaan gudoon ku xigeenka oo ay u tartamayaan Saciid Mire Faraax (Giire) iyo Cabdinaasir Yuusuf Cusmaan (Qodax

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post