717 Views

Madaxweynaha Shiinaha oo wacad ku maray inuu dabayaaqada todobaadka midayn doonaan Shiinaha iyo Taiwan

Madaxweynaha Shiinaha oo  wacad ku maray inuu dabayaaqada todobaadka midayn doonaan Shiinaha iyo Taiwan
____________________________________________________________________________

 Axad: October 10, 2021

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa waxa uu wacad ku maray inuu dabayaaqada todobaadka midayn doonaan Shiinaha iyo Taiwan, kaddib todobaad ay cirka isku sii shareeraysay xiisadda u dhaxaysa labada dhinac.

Walow ay hogaamiyayaasha Shiinaha ay caadi u tahay inay soo saaraan bayaan noocaas oo kale ah, ayaa haddana hadalka madaxweyne Xi Jinping waxa uu imanayaa maalmo kaddib dhoollatus wayn oo dhanka cirka ah oo ay hawada Taiwan ku sameeyeen milateriga Shiinaha, arrintaas oo dowladda Taiwn iyo xulafadeeda ku tilmaameen daandaansi.

Xi Jinping si toos ah uma uusan carrabaabin balse wuxuu wacad ku maray inuu difaaci doono waxa uu ugu yeeray midnimada Shiinaha. wuxuu sheegay inay waajib tahay dhameystirka howsha taariikhiga ah.

Tan iyo bilowgii bishan Shiinaha ayaa ku dhowaad 150 diyaarado oo ay ku jiraan kuwa wax duqeeya iyo kuwa wax basaasa u diray hawada Taiwan.

Wax yar kahor markii madaxweyne Xi uu hadalkan ka sheegay magaalada Beijing, raysal wasaaraha Taiwan Su Tseng-chang ayaa shiinaha ku eedeeyay inay cududdada ku balaarsaneyso dalkaas ayna xiisad abuureyso.

Shiinaha iyo Taiwan ayaa kala qeybsamay intii uu socday dagalakii sokeeye ee 1940-meeyadii, balse Beijing ayaa ku adkeysaneysa in jasiiraddu ay dib ka sheegan karto, haddii loo baahdana ay xoog u adeegsna karto.

Jasiiraddan ayaa leh dastuur u gaar ah, hogamaiyeyaal si dimuqraadi ah loo doortay, iyo ilaa 300,000 oo ciidamo ah.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post