681 Views

India oo baadi goobaya wiil Soomaali ah oo laga helay nuuca seddexaad ee cudurka Covid 19

India oo baadi goobaya wiil Soomaali ah oo laga helay nuuca seddexaad ee cudurka Covid 19
____________________________________________________________________________


khamiis: December 16, 2021

Muwaadin Soomaaliyeed oo 23 jir ah, oo laga helay cudurka Omicron , ayaa Arbacadii ka baxsaday isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla Laanta Somajiguda. Waxaana tijaabadii laga qaaday ay muujisay cudurka Omicron inuu qabo habeenimadii Talaadada.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa arday, kaasoo ka yimid Soomaaliya 12-kii bishan December.

Iyadoo waaxda caafimaadka ay bixineyso xogta ciwaanka uu degan yahay muwaadinka Soomaaliyeed, booliska ayaa hadda diiradda saaraya raadinta qofkaan Somaliga ah ee qaba Virusla Omicron-ka ah ee lagu la’yahay aaga Tolichowki iyo Mehdipatnam.

Kooxaha booliiska ayaa la siiyay sawirka ninka maqan.

Sidoo kale waxaa socda dadaalo lagu baadigoobayo oo lala xiriirinayo qoyska muwaadinka Soomaaliyeed ee maqan si loola socodsiiyo inuu wiilkoodi laga helay Omicron uu kabaxsaday isbitaalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post