765 Views

Xubno ka socda DFS & Dowlad Goboleedyada oo Shir uga socdo Muqdisho

Xubno ka socda DFS & Dowlad Goboleedyada oo Shir uga socdo Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Shir ay soo qaban qaabiyeen wasaaradda Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,isla markaana ay ka qeybgalayaan Wasaraddaasi iyo Wasaaradaha Hawlaha Guud ee maamul goboleedyada dalka ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho.

Shirkaasi oo sidoo kale ay ka qeybgalayaan Hay’adda UNOPS,waxaa looga wada tashanayey mashruuca tayaynta Shaqaalaha Wasaaradaha Hawlaha Guud SSIWPP,Waxaana ka qaybgalay Madaxda Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasiirada Hawlaha Guud ee Maamul goboleedyada dalka, iyo Xubno kasocday UNOPS ee Qaramada midoobey ee dhinaca mashaariicda.

Wasiir kuxigeenka Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Xasan Cismaan oo hadal ka jeedinayay furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in wasaaradaha Howlaha guud ee heer Federaal iyo heer Dowlada gobaleed ay wadashaqeyn buuxda ay ka dhexeyso,wuxuuna intaasi ku daray in shaqooyin badan ay si wada jir ah u soo qabteen,ayna ku guuleysteen.

Inta uu socdo shirkan ayaa diiradda lagu sari doonaa sare u qaadista heerka aqooneed ee shaqaalaha wasaaradda Howlaha guud ee DFS iyo kuwa dowlad gobaleedyada,waxaana hadafka ugu weyn uu yahay in shaqaalaha ay noqdaan kuwo khibrad iyo aqoon durugsan u leh adeegyada ay qarankooda u qabanayaan.

Axmed NuUr Sheekh Maxamed oo ah wasiirka Howlaha guud ee Koonfur Galbeed oo ku hadlay magic dowlad gobaleedyada ayaa ku ammaanay Madaxda wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya wadashaqeynta ay la leedahay wasaaradaha kale ee heer dowlad gobaleed.

Shirkan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah waxaa ugu dambayn laga soo saari doonaa war murtiyeed ku saabsan ahmiyadda shirkan.

.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment