489 Views

xoola dhaqatada ku nool deegaanka Mandera ee oo sheegay in xoolihii ay dhaafeen abaarta oo haatanna ay halis ku jirto nolasha dadka.

xoola dhaqatada ku nool deegaanka Mandera ee   oo  sheegay in xoolihii ay dhaafeen abaarta oo  haatanna ay halis ku jirto nolasha dadka.
____________________________________________________________________________

Axad: SEPTEMBER 18, 2022

Waxaa wali taagan abaarta ba’an ee heysata Geeska Afrika, iyadoo aad loogga deyrinayo xaaladda noolaleed ee xoola dhaqatada ku nool deegaanka Mandera ee gobolka woqooyi-bari Kenya.

Qaar ka mid ah xoola dhaqatada deegaankaasi oo BBC-da lasoo xiriiray, ayaa sheegay in xoolihii ay dhaafeen, haatanna ay halis ku jirto nolasha dadka.

Dadka ayaanan heysanin cunto ay quutaan, ma jirto hey’addo soo gaarsiisay gargaar.

Xuseen Mukhtaar Sheekh Cabdinuur, oo kamid ah dadka ay abaartu ku saameysay deegaanka Ola, kaasoo ka tirsan ismaamulka Mandera, ayaa faahfaahiyay sida ay tahay xaaladda xoola dhaqatada dhulkaa ku nooli haatan tahay.

Xuseen ayaa dhankiisa sheegay in xoolaha intooda badan iney dhinteen, inta hartana aaney beec wanaagsan lagu heleyn, haddii la geeyo suuqa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post