1650 Views

Booliska Talyaaniga oo xiray Nin Soomaali ah

Booliska Talyaaniga oo xiray Nin Soomaali ah
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 18, 2018 –Booliska Dalka Talyaaniha ayaa Xabsiga dhigay Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cumar Mooshin Ibraahim oo lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay Daacish.

Cumar oo ka shaqeynayay sharikad dhinaca Nadaafadda ah oo ka howlgasha Magaalada Bari ee dalka Talyaaniga ayaa la xiray kaddib markii uu sheegay in Xarunta Vatikanka ee Roma ay mudan tahay in la qarxiyo .

Isaga oo u sheekeynayay qaar ka mid ah shaqaalaha Sharikadda ayuu sheegay in dhamaan Kaniisadaha ku yaalla Talyaaniga ay ku fiicanyihiin in la qarxiyo,sida ay sheegeen Booliska.

Waxaa kale oo uu bogaadiyay weerar dhawaan ka dhacay Magaalada Paris oo ay ku dhinteen 5 Qof kaas oo ay Daacish sheegatay.

Nin Hubeysan ayaa weerar ku qaaday Xarun laga dukaameysanayay oo ku taalla bartamaha Paris halka uu 11 kale ku dhaawacay,waxaana weerarkaa sheegtay Daacish.

Booliska Talyaaniga ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqa Cumar ay daba socdeen labadii bilood ee la soo dhaafay isaga oo dalka Talyaaniga galay sanadkii 2016kii.

Booliska ayaa kordhiyay joogitaankooda Xarumaha Kaniisadaha ee Roma iyo Vatikaanka maalmaha lagu jiro Kirismiska,iyaga oo sidoo kale nidaamiyay dadka badan ee booqanaya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment