1071 Views

SAWIRO:-Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirada KGS

SAWIRO:-Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirada KGS
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 05, 2019 —Shirka  Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay yeeshan Todobaad Waliba ayaa Todobaadkan Waxaa Shirka Shir Gudoomiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen

 

Shirka ayaa inta uu Socday waxaa uu ahaa mid looga hadlayey Xaaladaha ka jira Gobolada Koonfur Galbeed Somaliya Waxana inta uu Socday Warbixino laga Dhegeystay Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Somaliya

 

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Isaag Cali Subag ayaa laga Dhegeystay Warbixin ku aadan Amaanka Guud Gobolada Koonfur Galbeed ,waxaana uu sheegey in Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Darawiishta Koonfur Galbeed ay Wadaan Howlgalo ka dhan  Al-Shabaab ee ku dhuumalaysta tuuloyinka Hosyimada Degmooyinka Koonfur Galbeed Somaliya

 

Sido kale Shirka inta uu socday waxaa looga hadlay Soo Dhoweynta Wafdiga uu Hoggaaminayo Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyr ee kuso Wajahan Magaalada Baydhabo Sidii looga Qeybqadan lahaa Maalmaha Shaqada uu ujoogo Baydhabo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment