1080 Views

Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga doorashooyinka

Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 28–2019 | —Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Sharciga doorashooyinka Qaranka oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka lahaayeen dood adag.

 

Ka dib markii maanta ay marsiiyeen Akhrintii Saddexaad ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu sheegay in loo baahan yahay in Cod loo qaado.

 

 

 

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Sharciga doorashooyinka Qaranka heer Federaal, iyadoo ay u codeysay 171 Xildhibaan.

 

“Golaha Shacabka wuxuu gaaray guul taariikhi ah iyada oo aqlabiyad balaaran lagu ansixiyey sharciga doorashooyinka oo dalka u horseedaya doorasho qof iyo cod ah iyada oo lagu tartamayo hanaan axsaabta siyaasadda badan (multiparty system)”Ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment