1494 Views

Raashiya Oo Maalintii 3-Aad Gantaalladda S400 U Daabushay Dalka Turkiga

Raashiya Oo Maalintii 3-Aad Gantaalladda S400 U Daabushay Dalka Turkiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 14, 2019 —Diyaaradaha Xamuulka ee dalka Raashiya waxay maanta mar kale shixnadda Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400 gaarsiiyeen dalka Turkiga, sida ay shaaciyeen Warbaahinta Turkiga iyo kuwa Raashiya.

Wasaaradda Difaaca ee Turkiga waxay Bartooda Twitter-ka maanta soo dhigtay in Shixnadihii 5-aad iyo 6-aad ee Diyaaradaha Xamuulka Raashiya maanta soo caga-dhigteen Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Murteed oo u dhow caasimadda dalkaasi ee Ankara.

Wasaaraddu waxay kaloo sheegtay in 2 Diyaarado kale oo wada Xamuulka S400 la rajeynayo inay soo caga-dhigtaan Saldhigaasi saacado gudahood.

 

Soo-daabulista Nidaamka difaaca ee S400 oo bilaabantay Jimcihii la soo dhaafay waxa uu khilaaf xooggan ka dhex dhaliyey  Maraykanka iyo Turkiga.

 

Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka waxay ku celcelisay inay Turkiga ku soo rogi doonaan cunaqabatayn dhaqaale, kadib, markii ay Maraykanka la laabteen qorshe Turkiga looga iibin lahaa Diyaaradaha Dagaalka F35 ee uu Maraykanka farsameeyo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment