924 Views

Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 9, 2019 | QOL |   –Shirka Gollaha Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug oo bishiiba mar la qabto ayaa ka furmay magaalada Dhuusamareeb waxaana ka qayb galaya Saraakiil ka tirsan Taliska Qaybta 21-aad ee xoogga Dalka , Talisyada NISA iyo Booliiska , Wasaaradaha ay quseyso arintan iyo Madaxtooyada Galmudug.

 

Wakiilada ka socda dhinacydaasi ayaa laga dhageystay guulaha laga gaarey dhanka amaanka iyo qorshayaasha ugu muhiimsan ee sanadka soo socda ee 2020.

 

 

 

Saraakiisha qaybta 21-aad ee kulanka ka qayb gashey ayaa soo bandhigtay Guulaha laga gaarey dhismaha Ciidanka iyo qorshihii guuleestay ee qarameynta ciidamadii Ahlusunna taas oo tusaale u ahaa sida dowlada soomaaliyeed ugu guuleysatey Dib u habeynta ciidamada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment