792 Views

Dowladda Soomaaliya oo maanta guddoontay gargaar uga yimid Imaaraadka Carabta

Dowladda Soomaaliya oo maanta guddoontay gargaar uga yimid Imaaraadka Carabta
____________________________________________________________________________

Talaado: February 8, 2022

Diyaarad sidday gargaar raashinka ah ayaa waxa dowladda Soomaaliya soo gaarsiisay Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku guddoontay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.

Maxamed Alkacbi oo ka tirsan Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in gargaarkani uu qeyb ka yahay caawimaadda ay dowladda Imaaraadku ka geysaneyso gurmadka walaalaha Soomaaliyeed ee abaarta la ildaran, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaraaha Soomaaliya.

Gargaarka Imaaratka ayaa imaanaya xilli Qaramada Midobay ayaa sheegtay in malaayiin qof ay cunto la’aan ku soo wajahayso dalka Soomaaliya sababo la xiriira abaaraha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post