279 Views

Koror ku yimid tirada kiisaska COVID-19 ee waddanka Shiinaha

Koror ku yimid tirada kiisaska COVID-19 ee waddanka Shiinaha
____________________________________________________________________________

 

Sabti: NOVEMBER 26, 2022

Saraakiisha Caafimaadka Shiinaha ayaa maanta  sheegay, in Jimcihi shalay la diiwaangeliyay ilaa 35,183 kiis oo la xiriira cudurka COVID-19, diiwaankaasi oo noqday kii ugu badnaa saddexdi maalin ee lasoo dhaafay.

Ma jirto wax dhimasho ah oo ay Waaxda Caafimaadku shaacisay, hase yeeshee magaalooyinka waaweeyn ayaa la daalaa dhacaya tiro aad u badan oo uu soo ridanayo cudur-sidaha keena xanuunka COVID-19.

Meelaha ugu badan ee kiisaskan cusub laga soo calaamadeeyay ayaa waxaa ka mid ah magaalada koofureed ee Guangzhou iyo magaalada koofurgalbeed dhacda ee Chongqing.

Cudurka COVID-19 ayaa markiisii hore kasoo biloowday magaalada Wuahan ee bartamaha Shiinaha, dhamaadki sannadki 2019-ki, kahor inta uusan ku faafin dunida inteeda kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post