1776 Views

Duqa Muqdisho Oo Maamul Goboleedyada Ugu Baaqay Inay Aqbalaan Baaqii Madaxweynaha

Duqa Muqdisho Oo Maamul Goboleedyada Ugu Baaqay Inay Aqbalaan Baaqii Madaxweynaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Sepetmebr 17, 2018 —Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Ing,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Madaxda dowlad Goboleedyada ugu baaqay inay aqbalaan shirkii Golaha Amniga Qaranka ee uu ugu yeeray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Eng Yariisow oo ka mid ah Guddiga Amniga Qaranka ayaa sheegay in shirkaas uu yahay mid muhiim ah,isla markaana looga hadli doono sidii miiska wadahadalka loogu dhameyn lahaa wixii tabasho ah ee jira.

“Waxaa ugu mahadcelineynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya baaqiisii ahaain shirka Golaha Amniga uu ugu baaqay dhamaan Maamul Goboleedyada inay ka soo qeyb galaan,taasi waxay na tuseysaa in uu yahay Nabadoon doonaya in xal waara laga gaaro dhamaan wixii tabasho ah,uuna rajeynayo inay aqbalaan Madaxda Golaha Amniga Qaranka oo aniga aan ku jiro ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Waxa uu sheegay in aan wanaagsaneyn in lagu ol ololeeyo Colaada balse ay muhiim tahay in Nabada loo ol ololeeyo,taasina ay ka go’aan tahay Maamulka gobolka Banaadir.

Hadalkaan ka soo baxay duqa Muqdisho ayaa ku soo aadaya xilli Maanta qorsuhu ahaa in uu qabsoomo shirkii Golaha Amniga Qaranka ee uu iclaamiyey Madaxweynaha balse ay diideen ka qeyb galkiisa Madaxda Dowlad Goboleedyada

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment