261 Views

Shirka Dowladaha Hoose ee Puntland oo saaka lagu kala-kacay ka dib markii khilaaf dhexmarey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Karaash iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha

Shirka Dowladaha Hoose ee Puntland oo saaka lagu kala-kacay ka dib markii khilaaf dhexmarey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Karaash iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha
____________________________________________________________________________

Axad: June 19, 202

Shirka Dowladaha Hoose ee Puntland oo saaka Garoowe ka furmay ayaa lagu kala-kacay ka dib markii khilaaf dhexmarey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Karaash iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Dhabancad.

Khilaafka Karaash iyo Dhabancad ayaa salka ku haya khilaafka Madaxweyne Deni iyo ku-xigeenkiisa iyada oo Wasiir Dhabancad kamid ahaa saddex wasiir oo karaash xil ka qaaday kolkii Deni ku jirey Ololaha Doorashasa Soomaaliya.

Ismaan-dhaafka saaka ayaa ku bilowday, markii Karaash uu Wasiir ku amray in uu shirka ka baxayo, iyada oo wasiirka ay raaceen qaar kamid ah degmooyinka markii hore ugu danbayna shirka ayaa lagu kala kacay.

Khilaafka Dani iyo Karash ayaa maalmihii hore u muuqdey mid xal laga gaarey balse wararka ayaa soo baxey in khilaafku jiro kadib markii Madaxweyne ku xigeenka Puntland ka baaqsadey inuu ka qayb galo kulankii Khamiista ee golaha wasiirada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post