432 Views

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo la kulmay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Axad: June 18, 2022

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Tiina Intelmann.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlgalka ATMIS, Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Difaaca XFS, ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada hagar la’aanta ay siiyaan Soomaaliya.

Kulanka, waxaa sidoo kale, goob-joog ahaa taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda gaashaandiga Xasan Maxamed Siciid Gacaliye.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post