1548 Views

Is-xilqaan:- Shaqaalaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku dayasho mudan

Is-xilqaan:- Shaqaalaha Xafiiska R/Wasaaraha oo ku dayasho mudan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaury 10, 2019 – Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii Labaad ka qeyb qaadanaya Ololaha Is-xilqaan ee haatan ka soconaya xarumaha Golaha murtida iyo wacyi gelinta iyo Matxafka Qaranka Soomaaliyeed.

Agaasimaha arrimaha bulshada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ahna isku duwaha Barnaamijka Is-xilqaan ee dhismaha xarumaha Dowladda, Maryan Adan Amiin, ayaa shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ugu mahad celisay sida howlkarnimada leh ee ay u wajaheen shaqada ka socota Tiyaatarka iyo Matxafka Qaranka,iyadoo sigaar ah u sheegtay in aay amaan gaar ah mudanyuhiin shaqaalaha Xafiiska R/wasaaraha XFS,islamarkaana ah kuwa ku dayasho mudan.

Agaasimaha Xafiiska Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maxamed Jaamac Yuusuf, ayaa sheegay in ay shaqaaluhu ka howl-galeen Tiyaatarka iyo Matxafka Qaranka, wuxuuna aad u bogaadiyay howsha adage e ay qabteen Shaqaalaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wuxuuna sheegay in ay ka go’an tahay in ay mar walba u heellan yihiin ka qeyb qaadashada Ololaha Is-xilqaan, wuxuuna xusay in ay tahay markii Labaad ee ay ka qeyb qaataan, had iyo goorna ay diyaar u yihiin fulinta howlaha Qaranka.

Barnaamijka Is-xilqaad oo ay si joogto ah ugu qeyb qaadanayaan hay’ahada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kale ee Bulshada ayaa waxaa Shalay ka qeyb qaatay shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha, halka Maalin ka horna ay ka qeyb qaateen shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Barnaamijka Is-xilqaan oo 26 July ee Sanadkii hore uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si dardar leh uga socda wadanka iyada oo ay kaalin weyn ka qaadanayaan Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment