726 Views

Magaalada Hargeysa oo ay gaareen wasiirka maaliyadda Itoobiya iyo madaxweynaha deegaanka Mustafe

Magaalada Hargeysa oo ay gaareen  wasiirka maaliyadda Itoobiya iyo  madaxweynaha deegaanka  Mustafe
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 24 2021

 Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa sheegaya in saakay halkaas ay gaareen wafdi ka socda dowladda Itoobiya, kaas oo si ballaaran loogu soo dhoweeyey Garoonka hargaysa.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide, waxaana sidoo kale qeyb ka ah madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar.

Mas’uuliyiintan ayaa soo dhoweyn, kadib kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo ka wada-hadlay xiriirka labada dhinac, gaar ahaan iskaashiga dhanka ganacsiga ee ka dhexeeya Somaliland iyo sidoo kale dowladda Itoobiya.

Sidoo kale Ujeedka socdaalkooda ayaa la xiriira xarig jarka Dekedda Berbera, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Hrageysa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post