387 Views

Yahuud xagjir ah oo burburisay qabuuro ay Kirishtanku leeyihiin

Yahuud xagjir ah oo burburisay qabuuro ay Kirishtanku leeyihiin
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 4, 2023

Kaniisadda Angelican iyo Dowladda UK ayaa sheegay iney aad uga xun yihiin qabuuro qadiim ah oo u dhow magaalada Quddus.

Qabuurio ka badan 30 oo ku yaalla aagga buurta Zion ayaa la burburiyey maalinti Axadda.

Falkaasi Qabuuraha dadka Kirishtanka ay leeyihiin lgu burburiyey waxaa lagu eedeeyey iney geysteen Yuhuudda Xagjirka ah.

“Bariyahan dambe waxaa soo kordhaya fal dambiyeedyada neceybka salka ku haya iyo hadallo neceyb xambaarsan,” ayuu yiri baadari Hossam Naoum.

Wuxuu Baadarigu sheegay in ay soo badanayaan candhuuf tufka iyo weerarrada lagu qaado goobaha ay dadka Kirishtanka ku cibaadeystaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post