1149 Views

Soomaaliland oo joojisay Shir looga hadli lahaa Arrimaha Soomaaliya

Soomaaliland oo joojisay Shir looga hadli lahaa Arrimaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 02, 2019—Maamulka Soomaaliland ayaa joojiyay kulan lagu qaban lahaa Magalada Hargeysa kaas oo qeyb ka ahaa mashruuca SSF (Somalia Stability Fund) oo ah Sanduuqa xasilinta Soomaaliya,kaas oo hoostaga Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee  Soomaliya

 

War ka soo baxay Wasaaradda qorshaynta Soomaaliland ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba ay shirkaasi joojiyeen sababo la xiriira in iyagu aysan waxba ka quseyn arrimaha Soomaaliya,isla markaana marhore ay ka go’een Soomaaliya.

 

Warka ka soo baxay Wasaaradda Qorshaynta Maamulka Soomaaliland ayaa u qornaa sidatan

 

“Wasaarada qorshaynta iyo horumarinta somaliland waxay idinla socodsiinaysaa inay joojisay kulankii lagu qaban lahaa Hargeysa ee ku saabsanaa maalgashiga, Mashruuca SSF(Somalia Stability Fund) maaha mid ka jira somaliland, somaliland-na kama mid aha heshiiska lagu helay dhaqaalahan ayuu lag yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliland.

 

Sidoo kale Waxaa intaasi lagu daray in  SSF aysan ka helin wax ogolaansho kaas oo ay ku qaban karto kulankaas,waxaana xogheynta SSF lagu wargeliyay inay deegaanadooda dib ugu celiyaan dadkii loogu talo galay inay ka qeyb galaan Shirkaas.

 

Warkan kasoo baxay Soomaaliland ee lagu joojiyay shir looga hadli lahaa mashruuca xaslinta Soomaaliya ee hoostaga Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaanan ilaa iyo hadda aysan ka hadlin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment