1095 Views

Mareykanka oo shuruud ku xiray taageerada Soomaaliya

Mareykanka oo shuruud ku xiray taageerada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 02, -2019 —Safiirka Dowladda Maraykanka u fadhiga Soomaaliya Ambassador Donal Yamamoto  ayaa sheegay in taageerada ay Maraykanka siinayaan Soomaaliya ay xilligaan tahay mid diyaarsan,hayeeshee Dowladda Federaalka looga baahan inay la timaado siyaasad loo dhanyahay.

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday dadaalada dowladda ay wado oo ku aadan qorshaha deyn cafinta,waxaana uu sheegay in dayn cafinta aysan ahayn oo qura dhanka Maaliyadda balse ku jirto siyaasad Wanaagsan oo loo dhanyahay.

Arrimaha khilaafka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ayuu ka hadlay,isaga oo dhowr mar ku cel celiyay in dowladda ay muhiim tahay inay diyaariso siyaasad mideysan oo loo dhan yahay.

Xubnaha Wakiilada Caalamka ee ka qeyb-galaya Shirka Caalamiga ah ee Madasha Iskaashiga ayaa intooda badan dalbanayay in dowladda Federaalka ay la timaado siyaasad loo dhan yahay, iyada oo shirka ay ka maqan yihiin Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment