210 Views

War deg deg ah: Wasiir ku xigeenka warfaafinta oo xaqiijiyey in la xiray oo hawada laga saaray barihii internet-ka Webka alshabaab ee Somalimemo.

War deg deg ah: Wasiir ku xigeenka warfaafinta oo  xaqiijiyey in la xiray oo hawada laga saaray barihii internet-ka Webka alshabaab ee Somalimemo.
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 8, 2022

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa xaqiijiyey in la xiray oo hawada laga saaray barihii internet-ka ee lagu baahi jiray fariimaha argagixisada.

“Ilaah mahaddiis, barihii ugu waawaynaa ee Khawaarijta ee Warbaahinta waa xiranyihiin, waana socdaa howlgalku, waana dhamaystiraysaa Dawladdu inta dhiman.Waa ku mahadsanyihiin Shacabka Soomaaliyeed dhiiranaantooda,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Sidoo kale wasiirka oo shaaciyey Gmail uu dowladda ku soo ogeysii karo qofkii arka Page lagu baahiyo been abuurka argagixisada ayaa yiri, “Waxaan si xushmadleh uwaydiisanaynaa Qofkii arka Bar Warbaahineed oo Khawaarijtu ku dhuumanayso in uu nala wadaago, waxaadna nagula wadaagikartaa Info@moi.gov.so. Mahadsanidiin.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post