960 Views

Shirkii federaalka iyo dowlad goboleedyada oo berri dib u dhac kooban ku yimid

Shirkii federaalka iyo dowlad goboleedyada oo  berri  dib u dhac kooban ku yimid
____________________________________________________________________________

May 19 2021

 Shirkii lagu waday in uu furo  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa cawa soo baxaya warar kala duwan, waxaana lagu wadaa in shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee la filayey inuu berri subax ka furmo magaalada Muqdisho uu dib u dhac kooban ku yimaado.

Warar hordhac ah ayaa caawa sheegaya in shirkaan bari oo khamiis ah Furmi lahaa uu dib ugu dhacay maalinta Sabtida oo ku beegan 22-ka bishan May.

Sababta keentay arintaan ayaa lagu sheegay in inta badan madaxda maamul gobaleedyada oo  dalka ka maqan, taasi oo keeni karta dib u dhac ku yimaada, waxaana lagu wadaa in ay badankood soo gaaraan maalinta berri ah, waxaana suurta-gal ah in maalinka xiga oo Jimcaha ay darteed aanu shirka qabsoomin.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa ah madaxweynaha kaliya ee ku sugan caasimadda isaga oo caawa maqribkii kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasi oo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Ay si diiran ugu soo dhaweeyeen caawa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post