1914 Views

Kulanka Golaha Shacabka oo weli furmin & Xildhibaano laga celiyay

Kulanka Golaha Shacabka oo weli furmin & Xildhibaano laga celiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 31da Maarso, 2021—Maanta ayaa loo balansan yahay kulan shaki badan uu kajiro oo ay yeelanayan xildhibannada Golaha Shacabka, kaas oo guddoonka ay sheegeen in looga hadlayo Ajandayaasha kala ah Cudurka Covid19, u Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo u Codeyn Sharciga Qaxootiga Qaranka.

Hayeeshee qaar kamid ah Xilhibaannada mucaaradka ayaa waxaa ay sheegeen in Ajandayaasha la soo bandhigay uu ku hoos qarsan yahay qorsho muddo kordhin ah oo ay damacsan tahay Villa Soomaaliya.

Kulanka ayaa qorsuhu ahaa in uu furmo 9:00 Barqanimo, balse dib uu uga dhacay waqtigii loogu talo galay, waxaana haatan Xarunta Villa Hargeysa ku sugan qaar kamid ah Xildhibaannada Gol.

Xildhibaannada qarkood oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay meesha ka saareen wararka sheegaya in la damacsan yahay muddo kordhin loo sameeyo Hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Xldhibaan Mahad salad iyo Xildhibaan Xasan cabdi oo kamid ah Xildhibaannada laga mamnuucay ka qeyb-galka 5 kamid ah Kulamada Golaha Shacabka ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamo ka tirsan dowladda ay ku celinayaan Isgoyska dabka, isla markaana loo diiday inay gudbaan.

Dhamaan wadooyinka soo gala Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa la dhigay Ciidamo Boolis ah, kuwaas oo Gaadiidka qaarkood u diidaya inay u gudbaan dhinaca Madaxtooyada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post