765 Views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Qatar
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 26. 2020–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu amba baxay magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Wafdiga oo uu qeyb ka yahay Guddoomiyaha Banggiga Dhexe ee dalka ayaa garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa kasii sagootiyey Xubno ka tirsan labada Golle ee Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dhowr jeer ku laab laabtay dalka Qatar oo saaxiib dhow la ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana la filayaa in uu la kulmo Madaxda dalkaas.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post