993 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo saaray liiska musharaxiinta Aqalka Sare

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo saaray liiska  musharaxiinta Aqalka Sare
____________________________________________________________________________

Sabti: july 31 2021

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa soo saaray liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo maamulkaas iyo sida ay u tartami doonaan.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu doornayaa 10 xildhibaan oo Aqalka Sare ah, waxaana shanta kursi ee musharaxiintooda la shaaciyey, iyo sida ay isugu aadeen ay kala yihiin:-

1- Aadan Cabdinasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan.
2- Dr. Xuseen Maxamed Daahir iyo Xasan Maxamed Nuur.
3- Zamzam Ibrahim Cali iyo Shariifo Xaji Cusmaan lbraahim.
4- Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey) iyo Nuur Baabul Cadow.
5- Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan.

Lafta-gareen ayaa ka tegay oo liiska musharaxnimo ka saaray Senator Ilyaas Cali Xasan oo hadda ka tirsan Aqalka Sare, islamarkaana xubin ka ah xisbiga Himilo Qaran ee u hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, waxaana kursigiisa ku tartami doona Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan.

https://66c2ca3724bc1b693cb588a457135ee3.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doona midkii labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare kadib maamulka Jubaland oo qabtay Khamiistii lasoo dhaafay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post