831 Views

Hoobiyayaal caawa lagu garaacay Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle

Hoobiyayaal caawa lagu garaacay Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle
____________________________________________________________________________

Sabti: September 4, 2021

Wararka ka imaanaya caawa Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa sheegaya in lagu garaacay hoobiyeyaal, waxaana la xaqiijiyey in illaa shan hoobiye ay ku soo dhaceen gudaha xaafadaha Horseed iyo Hanti-wadaag.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Gudaha magaalada ay Rasaas isku waydaarsadeen Maleeshiyaad aan la garan iyo Ciidamada amaanka.

Sidoo kale Labada xaafadood ee Horseed iyo Hanti-wadaag oo caawa hoobiyaha lagu garaacay waxaa aad u degan mas’uuliyiinta dowlad goboleedka HirShabeelle, waxaana si aad ah loo sugaa ammaankooda.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in uu jiro Qasaare soo gaaray dad shacab ah iyo Xarumaha Dowlada ee lala beegsaday Hoobiyayaasha caawa.

Xalay ayay ahayd markii Weerar loo adeegsaday bamboo-gacmeed ay xalay ka dhacay xaafadda Hanti-wadaag oo ka mid ah xaafadaha caawa la duqeeyey.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha arintaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post