1152 Views

Wasiirka Diinta & Awqaafta XFS: Waa in wax laga qabtaa ciidamada kontoroollada Gaadiidka lacagaha uga qaato”.

Wasiirka Diinta & Awqaafta XFS: Waa in wax laga qabtaa ciidamada kontoroollada Gaadiidka lacagaha uga qaato”.
____________________________________________________________________________

Muqisho |QOL|Axad: December 12, 2021—Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta XFS Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in ay soo gaartay cabasho ka dhan ah Ciidamada Dowladda ee Isgoysyada Muqdisho loo geeyay hubinta Gaadiidka balse lacago ka qaata Gaadiidka.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintaan ay sumcad darro u tahay Ciidamada Dowladda Federaalka maadaama wadihii aan bixin lacagaha ay weydiistaan dib u celiya haddii uu bixinaya uu kasoo gudbayo wadada.

Wasaaradaha, Saraakiisha & mas’uul weliba oo quseysa arrintaan waxa uu usoo jeediyay wax ka qabashada cabashadaan, lacagaha lagu xujeynayo bixinta Gaadiidka si ay uga gudbaan baraha hubinta ayuu ku tilmaamay dhac ama boob.

“Goobaha hubinta Ciidamada amniga u xilsaaran ee jooga waxaa ka socda dhac dadban oo aan indhaha laga qabsan Karin, Gaadiidkii & Mootadii aan lacag dhiibin magaalada uma gudbi karaan, telefoonka haddii aan lacag kusoo dhicin dib u laabo wax la aqbali karo ma aha waana in wax laga qabtaa” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta XFS.

Dowladda Federaalka oo xirtay waddooyinka dhexmara Xaafadaha Muqdisho ayaa isu gudubka Gaadiidka kusoo koobtay Isgoysyada oo ay fadhiyaan Ciidamada ammaanka, wadayaasha Gawaarida noocyadooda kala duwan ayaa sheegay in lacago lagu xujeeyo si ay u gudbaan.

Xafiiska Qaranimo Online |Mogdishu

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post