891 Views

Wabiga Shabeelle oo fatahaad horleh ka bilaabay Beledweyne

Wabiga Shabeelle oo fatahaad horleh ka bilaabay Beledweyne
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 11 2020–Kadib dadaal in ka badan 12 Cisho lagu xirayay biyaha Wabiga Shabeelle ee magalada Beledweyne ayaa iminka u muuqda kuwo aan la xakameyn karin kadib markii Wabiga uu karkaarada jabsaday.

Wararka laga helayo Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in Xaafadaha Magaaladaasi uu Wabiga ka fatahay,sida Kooshin, Kutiinbo iyo Raadeerka,waxaana Sawiro laga soo qaaday la arkayay Biyo farabadan oo galay Xaafadaas.

Guddiga ganacsatada fatahaadaha Beledweyne,Maamulka degmada iyo Injineero ay dowladda Federaalka dirtay ayaa ku howlana xirista biyaha mudadaas,hayeeshee Roob saacadihii la soo dhaafay da’ay ay keentay in Wabiga uu biyo badan keeno lana xakameyn waayo.

Qaar kamid ah Shacabka ku nool Beledweyne oo markii hore ku dhiiraday inay joogaan Xaafadahooda ayaa haatan waxaa ay bilaabeen inay barakacaan,iyaga oo aaday dhinaca deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka Koonfureed ee Magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya uu ka codsanayo inay awoodeeda isugu geyso sidii wax looga qaban lahaa fatahaada Beledweyne.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment