1107 Views

Xildhibaano sheegay in la afduubtey Guddiga doorashada Galmudug

Xildhibaano sheegay in la afduubtey Guddiga doorashada Galmudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 21 -2020—Xildhibaanada Ahlusunna ee uu jira Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ay Maanta sicad uga soo horjeesteen Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ee Maanta lagu doortey Magaalada Dhuusamareeb.

 

5 Mudane oo ka tirsan 13 Xubnood ee guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug kana mid ah kuwa Ahlusunna oo Warbaahinta kula hadley Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegen in Guddiga ay faragelin ku heyso dowladda Soomaaliya.

 

 

 

Xubin kamid ah Guddiga ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu taagnaa khilaaf la xiriira doorashada Guddoomiyaha & Gudoomiye kuxigeenka Guddiga doorashada,isla markaana doorashadaas la hor istaagey.

 

Waxaa uu sheegay in faragelin toos ah ay dowladda federaalka Soomaliya ku heyso Xubnaha guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug,sidoo kalena uu Wakiil uga yahay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal.

 

5 Xubnood ee ka tirsan guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay shaqsiyaad gaar ah la doonayaan inay noqdaan Guddoomiyaha iyo guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashada Galmudug.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment