555 Views

Mareykanka iyo Shiinaha oo ka wada hadlay dagaalka Ukraine

Mareykanka iyo Shiinaha oo ka wada hadlay dagaalka Ukraine
____________________________________________________________________________


Axad: March 6, 2022

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Blinken ayaa dhiggiisa Shiinaha Wang Yi kala hadlay dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine ee weli ka socda dalkaasi.

Labada mas’uul ayaa iska wareystay xaaladihii u dambeeyay ee dagaalka iyo sida loogu baahan yahay in la dhowro Madax bannaanida dalalka kale.

“Xoghayaha ayaa xusay in dunidu ay isha ku hayso si ay u aragto waddammada u taagan mabaadi’da aasaasiga ah ee xorriyadda, aayo-ka-tashiga iyo madaxbannaanida,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Shiinaha ayaa kamid ah dalalka aan Cambaareyn weerarka uu Ruushka ku qaaday Ukraine, isaga oo si labada dhinac ugu baaqay in ay is dejiyaan oo Xabad Joojin la qaato.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post