1173 Views

Sheekh Shariif ” Farmaajo carqalada ka daa doorashooyinka”

Sheekh Shariif ” Farmaajo carqalada ka daa doorashooyinka”
____________________________________________________________________________

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, isaga oo sheegay in wax aad looga xumaado ay tahay wixii ka dhacay Villa Somalia.

Sheekh Shariif oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlaha doorashooyinka ee socda ay ka rajeeynayeen inay noqdaan kuwa huufan, xor iyo xalaal ah oo laga keeno natiijooyin wanaagsan oo keeni karta inay horay u socoto qaranimada Soomaaliya, balse nasiib darro wixii shalay dhacay ay ahaayeen wqx aad iyo aad looga xumaaday.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Sheekh Shariif in arrin aan la fileyn ay noqotay in Ra’iisul Wasaarihii loo xilsaaray doorashooyinka in la isku dayo in Shaqada si sharci darro ah looga saaro, xafiiskiisa laga xirto awood ciidana loo adeegsado.

” Marxalada hadda la joogo waa mid xasaasi ah oo u baahan siyaasiyiinta, Shacabka Soomaaliyeed & dowladaha taageera Soomaaliya in aan awoodeena isugu geeyno dhameystirka doorashooyinka lana saxo khaladaadka kajira iyo mugdiga, taas waddo aan aheyna waxay horseedi kartaa burbur diyaarna uma aha Dadka Soomaaliya in markale dhiig daato ayuu yiri” Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka sida oo loo sameeyay inay ilaaliyaan sareynta sharciga dalkana ka difaacaan cadowga in aan loo adeegsan siyaasad iho dano gaar ah oo ay ku ekaadaan wixii loo Aasaasay kuna milmin siyaasadsa, wuxuuna cadeeyay in Soomaalida qalad siyaasi ah oo dhaca iyo Dano siyaadeed oo dadka loo dhibaateeyo halka ay ku dambeeyaan.

Sheekh Shariif oo sitoos ah ula hadlay Farmaajo ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay wax badan u muujiyeen kalsooni lana Shaqeeyeen, balse doorashadii aad ugu wareejisay Golaha Shacabka hortooda Ra’iisul Wasaaraha aadan kula dhegin.

“Farmaajoow qofka wax badan oo la xiriira doorashada heli kara waa adiga, ee Ra’iisul Wasaaraha ku garab sii, ee ka daa faragelinta, waxaa banaanka jooga dad badan oo kulamid ah oo musharrixiin ah kuna qancay inay ka qeyb galaan doorashada, sidoo kale Ciidamada aalabka sida ha u adeegsan siyaasadda oo in badan aad soo sameeysay ayuu yiri” Sheekh Shariif.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post