1206 Views

Sawirro:-Shir Lagu Qabtay Xarunta QM Ee Magaalada Muqdisho

Sawirro:-Shir Lagu Qabtay Xarunta QM Ee Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 11 2019 —Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Marwo Xaliimo Ismaciil Ibraahim ayaa ka qeyb-gashay Shir lagu qabtay Xafiiska Qaramadaba Midoobay ee Magaalada Muqdisho.

Shirkaas ayaa waxaa qeyb ka ahaa daneeyayaasha arrimaha Dimuqraadiyeenta iyo Doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan Soomaaliya horaanta sanadka 2021-da.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Marwo Xaliimo Ismaciil (Xaliimo Yarey) ayaa si qoto dheer ka qayb-galayaasha kulankan ugu sharaxday halka ay marayso geedi-socodka doorashooyinka dalka oo uu Guddigu gacanta ku hayo, waxayna aad ugu nuux nuuxsatay howlaha la qabtay iyo kuwa qorshaysan oo laga dheehan karo cabiraada saxda ah ee ku aadan dadaalka Guddigu ugu jiro hirgelinta iyo qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

 

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka ayaa sheegay in aad u rajeynayan in Guddiga Baarlamanka u saaro dib u eegista sharciga doorashooyinka in ay soo dhameystiraan oo ay Baarlamaanka u gudbiyaan waqtiga ku habboon oo Guddiga ku gudan karo waajibaad loo idmaday.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment