273 Views

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga oo sheegay in saraakiisha ku howlan yihiin howl-galo millateri oo lagu xoreynayo deegaano hor leh

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga oo sheegay in saraakiisha ku howlan yihiin howl-galo millateri oo lagu xoreynayo deegaano hor leh
____________________________________________________________________________

Talaado: OCTOBER 18, 2022

Dowladda federaalka Soomaaliya ay markale shaacisay in kacdoonka dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ay dhawaan ka bilaaban doonaan deegaano kale oo hor leh.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Sareeye guuto Cabdullaahi Cali Caanood oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in saraakiisha ku howlan yihiin howl-galo millateri oo lagu xoreynayo deegaano hor leh oo ka tirsan maamulada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo HirShabelle.

“Sida la socotaan dalka waxa ka socda howl-gal millateri oo si wada-jir ah uga howl-galayaan xoogaga kacdoonka shacabka Soomaaliyeed, ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta dowlad-goboleedyada, howl-galkaas si fiican ayuu uga socda meelaha uu ka bilowday guulo badan waa laga gaaray oo dowlad-goboleedyada kalena abaabul iyo diyaar garow ballaaran ayey ku jiraan,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “howl-galkaan dambe oo gobolada diyaar garowga ay ku jiraan waxa uu bilaabmi doona toddobaad gudahiisa, marka uu halmar bilowdana waxa rajeynayna cadowga umadda Soomaaliyeed in uu dalka ka suulo.”

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu si gaar ah u xusay in abaabulka u xoogan uu ka socdo maamulka Koonfur Galbeed oo ay ku sugan yihiin Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha xooga dalka Soomaaliyeed.

“Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha xooga waxay joogaan Koonfur Galbeed waxa la qorsheynaya oo la diyaarinaya howl-galadii laga bilaabi lahaa deegaanada maamulkaas ee cadowga gacanta ku hayo sida; Tiyeeglow, Rabdhuue, Yeed iyo wixii lamid ah.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dalka intiisa badan marka laga xoreeyo argagixisada Al-Shabaab in la isugu tagi doono gobolka Jubbada Dhexe, islamarkaana laga sifeyn doono cadowga.

.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post