609 Views

Laamaha Amniga Oo Qabtay Warshad Lagu Sameeyo Waxyaabaha Maanka Dooriya

Laamaha Amniga Oo Qabtay Warshad Lagu Sameeyo Waxyaabaha Maanka Dooriya
____________________________________________________________________________

khamiis: December 16, 2021

iidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta mar kale Magaalada Muqdisho ka sameeyay howlgal lagula dagaalamayo dadka Isticmaala iyo kuwa ka Ganacsada maandooriyaha noocyadiisa kala duwan oo muddooyinkii dambe soo batay.

Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay goob Warshad ah oo lagu farsameeyo maandooriyeyaasha Xashiishka iyo Calaqa, taasi oo ay laamaha amniga ka heleen degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, kadib howlgal laga sameeyay degmada.5 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in laamaha amniga ay qabteen xashiis farabadan iyo Calaq ku jiray fuustooyin iyo Jiirgaano, Digsiyada lagu kariyo Calaqa

Wuxuu Carabka ku dhuftay Guddoomiye Cumar Filish in howlgalka lagula dagaalamayo dadka Isticmaala iyo kuwa ka Ganacsada maandooriyaha noocyadiisa kala duwan uu kasii socon doono Magaalada Muqdisho, si loo xaqiijiyo amniga Caasimadda.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu tilmaamay in waxyaabaha maanka dooriya ay qeyb ka yihiin amni darrada, sida dilka, dhaca iyo boobka, wuxuuna intaas kusii daray in falalkaas ay inta badan ka dhacaan goobaha ay ku badan yihiin waxyaabaha maanka dooriya.

Shalay ayey aheyd markii Ciidanka Booliska dowladda ay Isgoyska  Fagax ee magaalada Muqdisho ayaa lagu gubay daraagis kala duwan oo ay Ciidamada amniga howlgal kusoo qabteen, isla markaana howlgalka laga fuliyay degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post