1182 Views

Labo jijin oo ka sameysan dheyman oo lagu xaraashay dalka Switzerland iyadoo lagu iibiyay in ka badan $8 million (£5.8 million

Labo jijin oo ka sameysan dheyman oo  lagu xaraashay dalka Switzerland iyadoo lagu iibiyay in ka badan $8 million (£5.8 million
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 10, 2021

Labo jijin oo ka sameysan dheyman isla markaana ay lahaan jirtay boqoradda Faransiiska, Marie Antoinette, ayaa lagu xaraashay dalka Switzerland iyadoo lagu iibiyay in ka badan $8 million (£5.8 million).

Waxaa iibsaday qof aan magaciisa la shaacin.

Marie Antoinette ayaa kahor kacdoonkii ka dhacay Faransiiska, waxaa loo taxaabay xabsiga kaddib markii boqorkii Faransiiska oo ay xaaskiisa ahayd uu ku eedeeyay inay khatar ku tahay naftiisa, waxayna jijimahaas u dirtay meel kale si loogu ilaaliyo.

Jijimaha ayaa la geeyay meel dalkaas ka baxsan waxaana in ka badan 200 oo sano hayay qoyskeeda.

Waxaa lagu kala iibsaday labolaab lacagtii la filayay.

Marie Antoinette waxay ku dhalatay dalka Austria sanadkii 1755 waxaana loo diray Faransiiska iyadoo gabar aad u yar ah si uu u guursado Boqor King Louis XVI.

Waxay ku dhex geeriyootay xabsiga sanadkii 1793. Iyadoo xabsiga ku jirta ayay soo dirtay warqad ay ku qeexeyso in jijimahaas la geeyo meel lagu xafido.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post