1038 Views

Uganda oo soo bandhigtey gawaari dagaal oo gaashaaman oo ay farsameysay

Uganda oo soo bandhigtey gawaari dagaal oo gaashaaman oo ay farsameysay
____________________________________________________________________________

Talaado:  October 19, 2021

Taliyaha ciidanka Uganda, Gen Muhoozi Kainerugaba, ayaa soo galiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka sawiro, uu ku sheegay inay yihiin gaadiidka dagaalka oo qafilan, ee ciidanka lugta ee uggu horeeeyey, kuwaasoo lagu sameeyo gudaha dalkani Uganda.

Wuxuu sheegay in si buuxda looggu naqshadeeyey, loogana soo saarey gudaha dalkani, laakiin ma aanu bixin faah faahinta astaamaha baauurkan qafilan iyo qiimahiisaba.

Gaarigan oo loo bixiyey magac laga keenay afka Sawaaxiliga, oo ah Shabeel, ayaa waxaa shaacintiisa usoo wakiishay taliyaha aabihii, oo ah Madaweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

Ciidanka Uganda, ayaa ku lug lahaa sanadkii hore hawlgal bahalnmo ah, oo lagaga soo horjeeday mudaaharaadyo gilgiley caasimadda magaalada Kampala, kadib markii la xirey murashax madaxweyne Bobi Wine.

Saraakiisha dalkani, ayaa difaacey adeegsiga xabadda, iyagoo sheegay in taa loogga gol lahaa in ciidanka iyo booliiska ay xakameeyaan xiisad markaa jirt

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post