954 Views

Wax ka Baro sarkaalkan 40 jirka ah shalayna la wareegay Hogaanka dalka Chad kadib markii aabihii la dilay isla shalay.

Wax ka Baro  sarkaalkan  40 jirka ah  shalayna la wareegay Hogaanka dalka Chad kadib markii aabihii la dilay isla shalay.
____________________________________________________________________________

April 21-2021

Xaqiiqdii, wax badan lagama yaqaano sarkaalkan milatariga ah oo aan weli gaarin 40 jir, haatanna hogaaminaya dalka Chad.

Waxa uu dhashay sannadkii 1983-dii, Janaraal Maxamed Idiris Déby Itno waa mid ka mid ah wiilasha madaxweynihii geeriyooday. Waxaa lagu naanaysaa Maxamed Kaka, sabtoo ah waxaa soo korisay ayaydii. Kaka luuqadda Chad waxaa loo yaqaanaa ayeeyo.

Markii uu aabihii geeriyoonayay, waxa uu ahaa madaxa ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha, sida uu weriyaha BBC-da uga soo warramo Chad laga soo xigtay.

Wuxuu weriyaha sheegay in Maxamed uu ka qeyb qaatay howl gallo milatari oo dhawr ah.

Sannadkii 2009-kii Maxamed Idiris deby waxa uu ka qeyb qaatay dagaalkii Am Dam ee ka dhanka ahaa ina adeerkii Timan Erdimi.

Si kastaba ha noqotee, Maxamed ma uusan ahayn nin caan ah intii uu aabihiis madaxweynaha ahaa. Laakiin, wuxuu waqtigiisa ku bixiyay ammaanka madaxweynaha, sidoo kale wuxuuna udub dhexaad u ahaa saanadda milateriga.

In kasta oo sida muuqata uusan lahayn khibrad dawladeed, Mahamat Deby Itno wuxuu dalka Chad hogaamin doonaa muddo 18 bilood oo ku meel gaar ah.

Wali lama oga in madaxan cusub ee Golaha Milatariga Ku Meel Gaarka ah uu leeyahay hami siyaasadeed oo shaqsiyadeed.

Af hayeen u hadlay militariga Chad ayaa sheegay in madaxweyne Idriss Déby uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray dagaalka safka hore.

Waxaa la filayay in madaxweynaha loo caleema saaro kursiga markii lixaad, maadaama ay muuqatay inuu ku guuleystay doorashadii dhacday 11-kii bishan April.

80% ka mid ah coodadkii la tiriyay ayuu ku guuleystay sida lagu qeexay natiijada hordhaca ah.

Mr Déby wuxuu xukunka ku qabsaday afgambi dhacay sanadkii 1990-kii, in ka badan 30 sano ayuuna xilka hayay.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post