549 Views

Ciidamada Jubbaland oo saakay illaa xalay howl-gallo ka wada magaallo xeebeedka Kismaayo

Ciidamada Jubbaland oo saakay  illaa xalay howl-gallo ka wada magaallo xeebeedka Kismaayo
____________________________________________________________________________

Sabti: july 31  2021

Ciidamada ammaanka ee Jubbaland ayaa saaka, illaa xalay howl-gallo ka wada magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubaland, waxaana howl-galka uu daba socdaa qaraxii ka dhacay magaaladaas.

Afhayeenka Booliska Jubbaland oo Wariyeyaasha kula hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada amniga ay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyey weerarkii qaraxa ahaa ee Kismaayo lagula beegsaday kooxda ciyaartoyda JCCI ee ka dhisan gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in marka ay soo gabagabeeyaan howl-gallada haatan socda ay shaacin doonaan natiijada rasmiga ee baaristooda.

“Laamaha ammaanka ayaa ku howlan ka gungaarista qaraxa cadawgu uu la eegtay Dhalinyaro Ciyaartoy ah, waxaa naga go’an in aan cadaaladda la tiigsano” ayuu yiri.

Sidoo kale Qaraxani oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan afar ciyaartoy ah, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, xilli ay la socdeen gaari ku sii jeeday garoonka Waamo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post