768 Views

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo dalbaday in shirka maamulada lagu qabto xarunta Xalane. Hadii muqdisho imaadaan

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo dalbaday in shirka maamulada lagu qabto xarunta Xalane. Hadii muqdisho imaadaan
____________________________________________________________________________

 

 Feb: 20/2/2021

Xili lagu waday in uuMagaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Madaxtooyada uu ka furmo shirkii Maamul goleedyada ee lagu balansanaa saacadihii ka soo dhaafay in uu ka furmo Muqdisho, ayaa Waxaa soo baxaya baaqyo ka imaanayo qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland shuruudo ku xireen imaanshaha magaalada Muqdisho iyo in ay ka qeyb galaan shirkan uu iclaamiyay Farmaajo.

about:blank Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa  dalbaday in shirka lagu qabto xarunta Xalane. ,maadaama Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday uusan awood u lahyn in uu Villa Somaliya ku qaabilo Madax.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa sidoo kale shuruud uga adhigay ka qeyb galka shirka Muqdisho in wakiilo katirsan Beesha Caalamka goobjoog ka noqdaan shirka si ay u helaan damaanad qaad buuxa.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post