963 Views

Dowlada Masar oo Soomaaliya ugu deeqday Agab Caafimaad.

Dowlada Masar oo Soomaaliya ugu deeqday Agab Caafimaad.
____________________________________________________________________________

Axad: October 3, 2021


Jamhuuriyadda Carabta Masar ayaa Soomaaliya ugu deeqday Agab Caafimaad oo ujeedka loogu talagalay ah in wax looga qabto Covid-19 sida ay mas’uuliyiin u kala hadashay labada Dowladood.

Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Masar ayaa dhiggeeda Soomaaliya ugu talagalay deeqdaan in ay u adeegsato si ay ugu adeegsato dagaalka ka dhanka ah faafitaanka Covid-19 oo todobaadyadii tagay xaalado cusub la diiwaangeliyay.

Deeqdaan waxaa lagu soo qaaday Diyaarad Militari oo ay leedahay Masar, sagootintii Qaahira waxaa ka qaybgalay xubno uu kamid yahay Danjiraha Soomaaliya ee u fadhiya dalkaas Ilyaas Sheekh Cumar.

Warbaahinta Gudaha Masar waxa ay kaalmadaan ku sifeeyeen xoojinta xiriirka labada Dowladooda & Walaaltinimada fog ee ka dhaxeysa Xukuumadaha Muqdisho iyo Qaahira si garab istaag ay isugu muujiyaan.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa 16-kii August 2021 socdaal uu ku tagay Magaalada Qaahira waxa uu la kulmay dhiggiisa Masar & madax kale waxyaabaha ay kawada hadleen waxaa kamid ah xoojinta xiriirka labada dal sida kordhinta Deeqaha Waxbarashada, isu socodka, caafimaadka & Ganacsiga.

Xukuumadaha Muqdisho & Qaahira waxa ay ku heshiiyeen in sare loo qaado cilaaqaadka labada dal, Ganacsiga, Deeqaha iyo waxbarashada oo heer hoose gaaray sanadii dambe, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa August 2021 ballanqaaday in kaalintooda ay kasoo bixi doonaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post