435 Views

Dhaqtarkii labaad oo Uganda ugu geeriyooday xanuunka Ebola.

Dhaqtarkii labaad oo Uganda ugu geeriyooday xanuunka Ebola.
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 1, 2022

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Uganda ayaa sheegay inuu geeriyooday dhaktar u dhashay dalka Tanzania oo wax ka baranayay dalkaasi, kaddib markii uu haleelay xannuunka Ebola.

Dhaqtarkaas ayaa noqonaya shaqaalaha labaad ee caafimaad ee u dhinta cudurkaas oo dhawaan ka dilaacay Uganda.

Jimcihii, wasaaradda caafimaadka ayaa shaacisay in cudurka Ebola uu ku fiday gobolkii afaraad.

Tirada rasmiga ayaa muujineysa in kiisaska la xaqiijiyay ay yihiin 35 qof, halka 8 qofna ay dhinteen.

Cudurkan Ebola nooca Sudan strain ayaanan lahayn talaal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post