1581 Views

Xeer Ilaaliyaha Hirshabelle oo soo saaray amar lagu xirayo Yuusuf Dabageed

Xeer Ilaaliyaha Hirshabelle oo soo saaray amar lagu xirayo Yuusuf Dabageed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 11,, 2019  –Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cabdulaahi Maxamuud Gacal ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed”.

Qoraal ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa lagu shaaciyay in loo haysto Yuusuf Dabageed illaa toban dambi oo ay ka mid yihiin ku xadgudub dastuurka Hirshabelle,abaabulid dagaal sokeeye,kutumasho astaan dowlad goboleed iyo mid qarameed iyo qaar kale.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo dhowaan uu xilkii ka qaaday Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuusan aqbalayn xilka qaadista.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment