849 Views

Jenaraal Xuud oo taageeray Raisal Wasaare Rooble baaqna u diray Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday farmaajo

Jenaraal Xuud oo taageeray Raisal Wasaare Rooble baaqna u diray Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday farmaajo
____________________________________________________________________________

 

 Arbaco: September 8, 2021

 Jenaraalka ka soo hor jeedo Maamulka Hirshabelle fadhigiisana Yahay Magaalada B/weyne Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa markii ugu horaysay ka hadlay khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Xuud ayaa sheegay in Rooble uu xaq ku taagan yahay fahad iyo farmaajana ay tahay in dalka laga qabto oo ay yihiin laba Danbiile Maxkamadna la soo taago.

 “Raggii gabadha saan ogeyn u galay ayaa horteena jago isugu magacaabaya, taas macnaheedu waa qofkaan rabnaan dileynaa, waxaan doono ayaana sameyneynaa, taasna kama yeeli doono, Soomaaliya cadaalad ayey u baahan tahay, ra’iisul wasaaraha ayaana ku garab taaganahay raadinta cadaaladda,” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Sidoo kale Sarkaalkaan ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in cadaaladda ay u hiiliyaan oo garab istaagaan ra’iisul wasaaraha, isagoo ku amaanay inuu iska diiday nin jecleysi iyo in lagu hor dulmiyo mawaadiniinta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post