1320 Views

Soomaaliya oo 4-cishe looga diiwaangeliyay 286 xaalado Covid -19.

Soomaaliya oo 4-cishe looga diiwaangeliyay 286 xaalado Covid -19.
____________________________________________________________________________

Isniin: August 30, 2021

Kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya ayaa kordhay 4-tii cishe u  dambeysay, Banaadir, Dowlad-Goboleedyada & Somaliland ayaa laga diiwaangeliyay tiro kala duwan sida ka muuqata diiwaanka Wasaaradda Caafimaadka XFS ay baahisay.

286-ruux ayaa jirkooda laga helay Coronavirus, xaaladaha ugu badan waxaa laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir, Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa Shacabka ka dalbatay in ay ka feejignaadaan tirada sii kordheysa Covid-19 ee Soomaaliya.

Guud ahaan Soomaaliya waxaa Covid-19 laga helay 17,302 (Toban & todobo kun, saddex boqol iyo labo ruux), waxaa ka bogsatay 8,363 (Siddeed kun, saddex boqol, lexdan & saddex) halka ay u dhinteen 963 (Sagaal boqol, lexdan & saddex) sida u diiwaangashan Wasaaradda Caafimadka XFS.

War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kiisaska cudurka ay kusoo kordheen Dalka, sidaas awgeed loo baahan yahay feejignaan dheeraad ah si loo yareeyo faafitaanka fayruska.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post